SlideShare a Scribd company logo
1 of 8
Download to read offline
Somaliska




  VALPROGRAM
                 Kortfattad version | 2010-2014




Socialdemokraterna
        i Eskilstuna


http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
Sinaanta iyo xoriyadda – ayaa u abuuraya mustaqbalka horumarka leh
Eskilstuna

Xisbiga Socialdemokraterna waa xisbi ku shaqeeya sinaata iyo xoriyadda.
Waxaanu higsanaynaa himilo ah in bulshadu ay u baahan tahay isbedel ka
duwan xaaladda ay maanta ku jirto. Waxaanu doonaynaa in aanu Eskilstuna
ka abuurno fursado badan. Fursaddahaas oo dadku u suurtogelinaya inay
sameeyaan horumar, laakiin aan wax u geysan dad kale ama dabeecadda
aynu ku noolnahay. Meel ay ragga iyo dumarku leeyihiin isku awood iyo
fursado ay si siman ugu yeelan karaan hormarka bulshada saamayn. Waxaanu
doonaynaa in bulshada noocaas ah lagu astaameeyo istaageersi iyo wadajir
ka dhexeeya dadka. Bulsho aan xoriyad qof ka mid ah aanay ku noqon mid
kale ku xadgudub. Aasaaska iyo mabaadiida lagu dhisaayo bulshadaasi
waxay noqonaysaa tixgelinta: qof kasta iyo kartidiisa, qof kasta iyo
baahidiisa.


Waxaanu ku shaqeynaynaa siyaasad si firfircoon loogu hagaajinayo xaaladda
nololleed ee dadka, looguna abuurayo dadka fursado. Xaqa shaqada,
waxbarashada iyo xaqa helitaanka hawlo ku wajahan wakhtiga firaaqaha iyo
dhaqanka, ayaa ah aasaaska ay ku dhisan tahay siyaasaddayadu. Danaynta
dhaqaalaha waxaa ka leh mudnaanta hore dadka iyo dabeecadda. Waxaanu
kalsoon weyn ku qabnaa in daryeel guud oo lagu maalgeliyo cashuuraha uu
yahay habka ugu wanaagsan ee loogu abuuri karo isku kalsoon iyo xoriyad
uu dadku yeesho. Isku kalsooni aan ahayn mid wadarreed oo keli keli ku
dhisan, ma keenayso kalsooni.

Waa kan waxyaabaha uu ka kooban yahay qorshahayaga olollaha
siyaasaddeed ee aanu ku shaqeynayno, haddii dib la noogu soo doorto
hogaaminta maamulka degmada Eskilstuna. Waxaanu u aragnaan in ay
suurtogal tahay in aan wax kastaa ku dhammaan afarta sannadood, laakiin
waanu ku rajoweyn nahay. Waxaanu kaa doonaynaa in aad na siisid
kalsoonidaada oo aad noogu codaysid, si aanu u sii wado hogaamintii
furfuanayd iyo horumarka Eskilstuna.




http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
Waxbarasho wacan oo loo siman yahay

    • Waxaanu ka shaqeynaynaa in aanu ardayda tacliintooda kor u qaado,
      islamarkaasna ba’adda ay wax ku dhigtaanna la hagaajiyo.
    • Si tartiib tartiib ah in la kordhiyo lacagta iskuullada la siiyo, lana soo
      gaarsiiyo heerka qaranka, si loo hubiyo xaqa ardaydu u leeyihiin
      waxbarasho wacan oo horumarsan.
    • Xilliga labada doorasho dhexdooda in la gaaro bartilmaammeedka la
      higsanayo, si loo yareeyo tirada ay ka kooban yihiin kooxa carruurta ku
      jirta xanaannooyinka oo ah isku celcelis 17, 5 cunug.
    • In la ogolaado in hammuunta aqoonta loo qabo ay noqoto hormoodka
      hogaaminaya dhammaan hawlaha waxbarashada ee Eskilstuna ka
      socda..
    • In aan qaadano iskuullada gaar loo leeyahay mowqif ku dhisan naqdin
      iyo xakameyn.
    • In aanu u kordhinno ardayda fursaddaha ay iyagu ku dooran karaan
      habka ay waxbarashadooda ula jaanqaadi karaan, xiisona ugu hayn
      karaan.
    • In la kordhiyo macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee ardayda daryeella
    • In la kordhiyo tirada dadka waayeelka ee iskuulka xasilloonidiisa
      qeybqaata, iyada oo tusaale ahaan, la tijaabinayo in dib loo soo celiyo
      martigelinta dad ka qeybqaata qiimenta dabayaaqada xilliga na la
      doorashada.
    • Aragtida sinaanta ragga iyo dumarka inay hagto hawlaha
      waxbarashada, si ay uga hortagto dawrkii dhaqan ee soo jireenka
      ahaa, looguna bedelo in qof kasta uu yeesho qiimihiisa isaga u gaark
      ah.
    • In la isku xiro waxbarashada-SFI ilaa iyo tan afka hooyo ee
      xanaannooyinka.
    • In la shaqeeyo in waxbarashada iskuulka lagu kasbado aqoonta ku
      saabsan dhinaca ba’adda iyo dabeecadda oo ardaydu ay ka dhigaan
      iskuulka meed dabeecadda u roon.
    • In la shaqeeyo aragtida isdhexgalka naafada iyo dadka kale dhammaan
      meelaha ay waxbarashadu ka socdaan.
    • In la maalgeliyo waxbarashooyinka dadka waaweyn ee degmadu
      maamusho, sida oo kalena la dhiirigeliyo tababarrada goobta shaqo
      iyo barashada xirfaddaha.
    • In la soo rogo kormeerayaal iskuul oo maxali ah, si dadka
      muwaadiniinta iyo madaxda sare ee go’aanka gaaraysa loo siiyo
      musawir cad oo ku saabsan tayada iyo nuxurka waxbarashada.




http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
Eskilstuna oo noqota mid wakhtiga fog is bixisa

    • In la maal gesho dhismayaasha shidaalka madhxiya.
    • In gaadiidka guud ee dadweynaha laga dhigo mid leh soo jeedasho,
      islamarkaasna raqiis ah.
    • In la hagaajiyo xiriirka gaadiidka tareennada iyo basaska ee ka
      dhexeeya gobolka.
    • Iyada oo wada shaqeyn qoto dheer la yeelanayo soo saarayaasha
      cunta ee maxaliga ah, in la kordhiyo soo gadashada cuntada dabiiciga
      iyo cuntada lagu soo sameeyay meel aan fogayn.
    • Si la daboollo baahida soo kordhaysa ee wax beerashada, waa in la
      kordhiyaa dhulka wax laga beerto ee la siinayo dad shaqsi ah.
    • In la maalgeliyo shidaalka gaasta, si looga baxo ku tiirsanaanta saliida,
      Eskilstuna ay u noqoto gobol horomar ka samaysaskadhinaca shidaalka
      gaasta.
    • In si tartiib ah la dhiirigeliyo wax soo saarka shidaalka dib u
      cusbooneysiinta leh ee dabeecadda u roon.
    • In si istraarijig ah loo qorsheeyo suurtogalka in la kordhiyo wax soo
      saarka marawaxaddaha dabeysha ku shaqeeya iyo dab dhaliyayaasha
      qoraxda ku shaqeeya.
    • In dhammaan degmadda Eskilstuna oo idin laga maalgeliyo dhismaha
      iyo hagaajinta jidadka lugta dadku ku maro iyo baaskiiladduhu.
    • in si masuuliyaddi ku jirto maalgelin loogu sameeyo maareynta
      bulaacaddaha.
    • In la abuuro fursado lagu helayo shaqooyinka dabeecadda ku
      wanaagsan.




http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
Xaqa shaqada

    • Sii wadidda hawlihii ay waday degmada Eskilstuna ee waxqabadka ku
      wajahan in ay noqoto meel laga helo shaqooyin kala duwanan.
    • Xilligan na la doortay in aanu qaado tallaabooyin wax ku ool ah, si loo
      gaaro bartilmaammeedka la higsanayo oo ah in dhammaan hawlaha
      degmada in laga helo shaqo wakhti buuxa ah in ay noqoto xaq, shaqo
      wakhti nus ahna ay fursad furan.
    • In kor loo qaado tirada shaqooyinka ku habboon shaqaaleynta dad
      naafada ah e eka jira degmada dhexdeeda.
    • La sii wado wada shaqeynta lala leeyahay ganacsatada maxaliga ah, si
      loo abuuro boosas loogu helo dad tababarka ku qaadanaya goobaha
      shaqo iyo kuwa loogu dirayo in goob shaqo soo tijaabiyaan
      (pratikplats).
    • In la taageero, si firfircoonna loo dhiirigeliyo dhalinta firkaddo cusub
      oo ganacsi oo ay abuurayaan dumarka iyo ragga ajinebiga ahi.
    • In dhammaan hawlaha ay wado degmo, si istraatijig ah loogu shaqeeyo
      in la yareeyo ka soocidda ragga iyo dumarka, islamarkaasna qaabka
      tirada guud ee dadweynuhu uu yahay uu tixgelin ku lahaado, marka ay
      timaado shaqaaleyn.
    • In la qaato hindise lagu casuumaayo dhammaan carruurta da’doodu
      gaarsiisan tahay dugsiga sare shqo xagaa, leh mushahaaro ku salaysan
      heshiis wadarreed iyo shuruuddowacan oo shaqo.
    • In la sii wado horumarinta shariikaddo bulsho iyo iskaashatooyinka.
    • In la higsado abuurida cimilo wacan oo ay ku shaqeyn karaan
      shariikadduhu, taasi oo loo marayo in loo sahlo aasaas dhigida,
      xoojinta wada shaqeynta iyo badinta kulamada wada hadalka ee lala
      yeelanayo ganacsatada.
    • In la kordhiyo aqoonta shaqaalaha degmada eek u saabsan
      farsamooyinka, loo yaqaan farsamooyinka nadiifta ah, ee la xiriira
      dhinaca ba’adda iyo dabeecadda.
    • In la hubiyo in degmadu ay yeelato qorshe iyo diyaarin dhul oo ku
      aadan aasaaska shariikaddo cusub.




http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
Nolol muusig iyo magaalo dhaqan

    • Abuurrida dhowr garoon xaafaddeed oo kale.
    • In la furo dhowr xarummood ee wakhti firaaqo inta aan la gaarin
      doorashada dambe, islamarkaasna la hagaajiyo kuwa hadda jira.
    • In laga dhiso wadooyinka lagu ordo Kronskogen, kuwaasi oo ay dadka
      naafada ahina ay isticmaali karaan.
    • Mudadda aanu xilka hayno in la dhiso gole weyn oo ciyaaraha iyo
      waxyaabo kale oo badan isugu jira , kuna meel bartamaha degmada
      ah.
    • Mudadda xilka aanu hayno dhexdeeda in la dhiso meel cusub oo lagu
      dabaasho.
    • In la dejiyo hab cusub oo caddaalad ku dhisan oo lagu caawinayo
      ururrada ciyaaraaha, dhaqanka iyo wakhti firaaqaha.
    • In la sii wado horumarinta qalcadda Balsta ee muusiga, oo ah xudun
      kulmisa dhaqanka, horseedna ka muusiigga ay caanka ku tahay
      magaalada Eskilstuna.
    • Mudadda xilka in la kordhiyo hawl yari u helida qalabka muusiga ee la
      deynsado, lana bilaabo in la tirtiro kharashka laga qaado iskuulka
      muusiga.
    • In aan waxba laga bedelin, islamarkaasna la difaaco basas ardayda
      degmadu lacag la’aanta ku raacaan, lana ogolaado in degmadu si
      firfircoon u siiyo fursado carruurta iyo dhalinyaraduba inay helaan
      hawlo wakhti firaaqo oo ay ku mashquullaan.


Nolol wanaagsan cid kastaa hesho

    • In la xoojiyo wax ka qabashada lagaga hortageyo daroogooyinka iyo
      falal dambiyeedka.
    • In laga shaqeeyo xoojinta xiriirka lala samaynayo dadka go’doonsan
      ee aan iyagu karayn inay raadsadaan taageerada ay u baahan yihiin,
      lagana hortago in dhalinyarada dhaawac soo gaaro.
    • In la kordhiyo, lana hormariyo hawlaha iyo xarumaha furan ee wax
      loogu qabto dadka ay la xiriirto belwedda iyo isticmaalka
      daroogooyinka ama dhibaatooyinka maskax xanuunka qaba.
    • In la furo xarun wax loogu qabto dhalinyarada daroogooyinka
      qabatimay.
    • In laga lagaga hortago hoy la’aanta, waxyaabaha ay ka midka yihiin in
      la sameeyo guryo ay leedahay degmado.
    • In la sii wado taageerada loo fidiyo meesha la seexo ee härbärget,
      waxay yaraynaysaa dhibaatada haysata dadka hoyga la’.
    • In si qoto dheer loo xoojiyo wada shaqeynta degmada iyo


http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
shariikaddaha guryaha kireeya, si ay shariikadduhu masuulyada ka
      aadan dhinaca arrimaha bulshada qeybtooda uga qaataan.
    • In la sii wadao halganka loogu jiro in la taageero dadka dhibaatada
      dhaqaale haysato, si ay u gaaraan heer ay isku masruufi karaan iyagu.
    • In la sii wado hormarinta wada shaqeynta ka dhexaysa, maamulka
      gobolka iyo hay’addaha degmada ee kaleba, si looga taxadiro in qofna
      aan la isku tuurtuurin.
    • In hormarin lagu sameeyo xarumaha dannaha qoysaska ee Eskilstuna,
      iyada oo lala kaashanayo maamul gobolleedka, kiniisaddaha iyo
      ururrada bulshada.

U dadaalka iyo amniga dadka gaboobay

    • Sii wadida dhismaha meelo gaar ah oo ay u hoydaan dadka gaboobay,
      in in la siiyo fursad lamaanaha doonaya inay wada deggaan.
    • In la kordiyo fursadda la siinayo dadka gaboobay ee doonaya inay sii
      deggenaadaan gurigooda, iyada oo loo habaynayo farsamooyin iyo
      qalab u suurtogelin kara sidaas.
    • In lagu shaqeeyo, marka la habeynaayo siyaasadda arrimaha dadka
      gaboobay, tixgelin gaar ahna oo la siinaayo dadka naafada ah.
    • In la sii joogteeyo basaska ay dadka gaboobay ku raacaan lacag
      la’aanta, si ay in badanni oo ka mid ihi ugu faa’iideysato.
    • In la kordhiyo saameynta ay beeralaydu ku leeyihiin daryeelka dadka
      gaboobay.
    • In la kordhiyo hawlaha dhaqdhaqaaq iyo meelaha kulanka ee loo
      samaynayo dadka gaboobay.
    • In la sameeyo kormeere maxalli ah oo ay yeeshaan dadka gaboobay.
    • In horumarin lagu sameeyo fursadda ay dadka gaboobay ku
      dooranayaan cunta ay cunayaan ama ogolaanshaha in ay dad kale wax
      la cunaan.
    • In laga shaqeeyo in dhammaan cuntada ay dadka gaboobay cunayaan
      ay noqoto mid nafaqo badan leh oo wanaagsan.
    • In loo ogolaado dadka gaboobay ee gurigooda loogu adeego
      fursadda in ay iyagu go’aan ka qaadan karaan, sida ay hadba u
      isticmaalayaan saacaddaha loo qoondeeyay.
    • In kor loo qaado aqoon kororsiga shaqaalaha ku hawlan daryeelka
      dadka gaboobay.


Magaalo qorsheyn casrinimo iyo geesinimo leh

    • In la sii wado in magaalada lagu soo dhaweeyo xarumaha daryeelka iyo
      weliba bustaannada cagaarran.


http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
• In laga shaqeeyo in la kordhiyo dhismaha guryaha, islamarkaasna lagu
      dadaalo in la isku dhex khaldo noocyada kala duwan ee lahaanshaha
      guryaha, kuwa hadda jira iyo kuwa cusubba.
    • Iyada oo lala kaashanayo dadka ku nool guryaha ku yaal xaafadda
      dhibku ka taagan yahay ee Eskilstuna, in laga shaqeeyo hagaajinta
      dabeecedda.
    • In la shaqeeyo in si sahlan loogu heli lahaa goobaha degmadu
      leedahay iyo kuwa ganacsigaba..
    • In habka wax loo qorsheynayo laga dhigo mid furan oo dimuquraadi
      ah, oo u furan wada hadalka siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta ka
      dhexeeya.
    • In la dhiiri geliyo habab kala duwan oo lagu maareeyo biyaha iyo
      bulaacaddaha tuulooyinka yaryar..
    • Mar kasta oo wax la qorsheynayo, in tixgelin la siiyo kalsoonida dadka,
      gaar ahaan, si weyn looga fakiro carruurta iyo dumarka.
    • Iyada oo wada tashi lala samaynayo ganacsatada iyo mulkiillayaasha
      dhismaha ku yaal bartamaha magaalada, in la bilaabo hawllo lagu
      hormarinaayo Eskilstuna farasmagaalaheeda, lagana dhigaayo magaalo
      leh farasmagaalo noolnool oo xiiso badan leh.
    • In la bilaabo shaqada dhisme waddooyinka lugta iyo jidadka baaskiilka
      oo soo gala farasmagaalada, kuwaasi oo ay ka caagan yihiin gaadiidka
      baabuurtu.




Socialdemokraterna i Eskilstuna
Valcentrum: Kungsgatan 14, 1 tr
Valhemsida: www.val2010.nu
Ordinarie hemsida: www.socialdemokraterna.se/eskilstuna
Telefon expedition: 016-200 62 91


http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/

More Related Content

Featured

2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by HubspotMarius Sescu
 
Everything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPTEverything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPTExpeed Software
 
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage EngineeringsProduct Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage EngineeringsPixeldarts
 
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthThinkNow
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfmarketingartwork
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024Neil Kimberley
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)contently
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024Albert Qian
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsKurio // The Social Media Age(ncy)
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Search Engine Journal
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summarySpeakerHub
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Tessa Mero
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentLily Ray
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best PracticesVit Horky
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementMindGenius
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...RachelPearson36
 

Featured (20)

2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot
 
Everything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPTEverything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPT
 
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage EngineeringsProduct Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
 
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
 
Skeleton Culture Code
Skeleton Culture CodeSkeleton Culture Code
Skeleton Culture Code
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
 
How to have difficult conversations
How to have difficult conversations How to have difficult conversations
How to have difficult conversations
 
Introduction to Data Science
Introduction to Data ScienceIntroduction to Data Science
Introduction to Data Science
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best Practices
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project management
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
 

Valprogram 2010 somaliska

  • 1. Somaliska VALPROGRAM Kortfattad version | 2010-2014 Socialdemokraterna i Eskilstuna http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
  • 2. Sinaanta iyo xoriyadda – ayaa u abuuraya mustaqbalka horumarka leh Eskilstuna Xisbiga Socialdemokraterna waa xisbi ku shaqeeya sinaata iyo xoriyadda. Waxaanu higsanaynaa himilo ah in bulshadu ay u baahan tahay isbedel ka duwan xaaladda ay maanta ku jirto. Waxaanu doonaynaa in aanu Eskilstuna ka abuurno fursado badan. Fursaddahaas oo dadku u suurtogelinaya inay sameeyaan horumar, laakiin aan wax u geysan dad kale ama dabeecadda aynu ku noolnahay. Meel ay ragga iyo dumarku leeyihiin isku awood iyo fursado ay si siman ugu yeelan karaan hormarka bulshada saamayn. Waxaanu doonaynaa in bulshada noocaas ah lagu astaameeyo istaageersi iyo wadajir ka dhexeeya dadka. Bulsho aan xoriyad qof ka mid ah aanay ku noqon mid kale ku xadgudub. Aasaaska iyo mabaadiida lagu dhisaayo bulshadaasi waxay noqonaysaa tixgelinta: qof kasta iyo kartidiisa, qof kasta iyo baahidiisa. Waxaanu ku shaqeynaynaa siyaasad si firfircoon loogu hagaajinayo xaaladda nololleed ee dadka, looguna abuurayo dadka fursado. Xaqa shaqada, waxbarashada iyo xaqa helitaanka hawlo ku wajahan wakhtiga firaaqaha iyo dhaqanka, ayaa ah aasaaska ay ku dhisan tahay siyaasaddayadu. Danaynta dhaqaalaha waxaa ka leh mudnaanta hore dadka iyo dabeecadda. Waxaanu kalsoon weyn ku qabnaa in daryeel guud oo lagu maalgeliyo cashuuraha uu yahay habka ugu wanaagsan ee loogu abuuri karo isku kalsoon iyo xoriyad uu dadku yeesho. Isku kalsooni aan ahayn mid wadarreed oo keli keli ku dhisan, ma keenayso kalsooni. Waa kan waxyaabaha uu ka kooban yahay qorshahayaga olollaha siyaasaddeed ee aanu ku shaqeynayno, haddii dib la noogu soo doorto hogaaminta maamulka degmada Eskilstuna. Waxaanu u aragnaan in ay suurtogal tahay in aan wax kastaa ku dhammaan afarta sannadood, laakiin waanu ku rajoweyn nahay. Waxaanu kaa doonaynaa in aad na siisid kalsoonidaada oo aad noogu codaysid, si aanu u sii wado hogaamintii furfuanayd iyo horumarka Eskilstuna. http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
  • 3. Waxbarasho wacan oo loo siman yahay • Waxaanu ka shaqeynaynaa in aanu ardayda tacliintooda kor u qaado, islamarkaasna ba’adda ay wax ku dhigtaanna la hagaajiyo. • Si tartiib tartiib ah in la kordhiyo lacagta iskuullada la siiyo, lana soo gaarsiiyo heerka qaranka, si loo hubiyo xaqa ardaydu u leeyihiin waxbarasho wacan oo horumarsan. • Xilliga labada doorasho dhexdooda in la gaaro bartilmaammeedka la higsanayo, si loo yareeyo tirada ay ka kooban yihiin kooxa carruurta ku jirta xanaannooyinka oo ah isku celcelis 17, 5 cunug. • In la ogolaado in hammuunta aqoonta loo qabo ay noqoto hormoodka hogaaminaya dhammaan hawlaha waxbarashada ee Eskilstuna ka socda.. • In aan qaadano iskuullada gaar loo leeyahay mowqif ku dhisan naqdin iyo xakameyn. • In aanu u kordhinno ardayda fursaddaha ay iyagu ku dooran karaan habka ay waxbarashadooda ula jaanqaadi karaan, xiisona ugu hayn karaan. • In la kordhiyo macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee ardayda daryeella • In la kordhiyo tirada dadka waayeelka ee iskuulka xasilloonidiisa qeybqaata, iyada oo tusaale ahaan, la tijaabinayo in dib loo soo celiyo martigelinta dad ka qeybqaata qiimenta dabayaaqada xilliga na la doorashada. • Aragtida sinaanta ragga iyo dumarka inay hagto hawlaha waxbarashada, si ay uga hortagto dawrkii dhaqan ee soo jireenka ahaa, looguna bedelo in qof kasta uu yeesho qiimihiisa isaga u gaark ah. • In la isku xiro waxbarashada-SFI ilaa iyo tan afka hooyo ee xanaannooyinka. • In la shaqeeyo in waxbarashada iskuulka lagu kasbado aqoonta ku saabsan dhinaca ba’adda iyo dabeecadda oo ardaydu ay ka dhigaan iskuulka meed dabeecadda u roon. • In la shaqeeyo aragtida isdhexgalka naafada iyo dadka kale dhammaan meelaha ay waxbarashadu ka socdaan. • In la maalgeliyo waxbarashooyinka dadka waaweyn ee degmadu maamusho, sida oo kalena la dhiirigeliyo tababarrada goobta shaqo iyo barashada xirfaddaha. • In la soo rogo kormeerayaal iskuul oo maxali ah, si dadka muwaadiniinta iyo madaxda sare ee go’aanka gaaraysa loo siiyo musawir cad oo ku saabsan tayada iyo nuxurka waxbarashada. http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
  • 4. Eskilstuna oo noqota mid wakhtiga fog is bixisa • In la maal gesho dhismayaasha shidaalka madhxiya. • In gaadiidka guud ee dadweynaha laga dhigo mid leh soo jeedasho, islamarkaasna raqiis ah. • In la hagaajiyo xiriirka gaadiidka tareennada iyo basaska ee ka dhexeeya gobolka. • Iyada oo wada shaqeyn qoto dheer la yeelanayo soo saarayaasha cunta ee maxaliga ah, in la kordhiyo soo gadashada cuntada dabiiciga iyo cuntada lagu soo sameeyay meel aan fogayn. • Si la daboollo baahida soo kordhaysa ee wax beerashada, waa in la kordhiyaa dhulka wax laga beerto ee la siinayo dad shaqsi ah. • In la maalgeliyo shidaalka gaasta, si looga baxo ku tiirsanaanta saliida, Eskilstuna ay u noqoto gobol horomar ka samaysaskadhinaca shidaalka gaasta. • In si tartiib ah la dhiirigeliyo wax soo saarka shidaalka dib u cusbooneysiinta leh ee dabeecadda u roon. • In si istraarijig ah loo qorsheeyo suurtogalka in la kordhiyo wax soo saarka marawaxaddaha dabeysha ku shaqeeya iyo dab dhaliyayaasha qoraxda ku shaqeeya. • In dhammaan degmadda Eskilstuna oo idin laga maalgeliyo dhismaha iyo hagaajinta jidadka lugta dadku ku maro iyo baaskiiladduhu. • in si masuuliyaddi ku jirto maalgelin loogu sameeyo maareynta bulaacaddaha. • In la abuuro fursado lagu helayo shaqooyinka dabeecadda ku wanaagsan. http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
  • 5. Xaqa shaqada • Sii wadidda hawlihii ay waday degmada Eskilstuna ee waxqabadka ku wajahan in ay noqoto meel laga helo shaqooyin kala duwanan. • Xilligan na la doortay in aanu qaado tallaabooyin wax ku ool ah, si loo gaaro bartilmaammeedka la higsanayo oo ah in dhammaan hawlaha degmada in laga helo shaqo wakhti buuxa ah in ay noqoto xaq, shaqo wakhti nus ahna ay fursad furan. • In kor loo qaado tirada shaqooyinka ku habboon shaqaaleynta dad naafada ah e eka jira degmada dhexdeeda. • La sii wado wada shaqeynta lala leeyahay ganacsatada maxaliga ah, si loo abuuro boosas loogu helo dad tababarka ku qaadanaya goobaha shaqo iyo kuwa loogu dirayo in goob shaqo soo tijaabiyaan (pratikplats). • In la taageero, si firfircoonna loo dhiirigeliyo dhalinta firkaddo cusub oo ganacsi oo ay abuurayaan dumarka iyo ragga ajinebiga ahi. • In dhammaan hawlaha ay wado degmo, si istraatijig ah loogu shaqeeyo in la yareeyo ka soocidda ragga iyo dumarka, islamarkaasna qaabka tirada guud ee dadweynuhu uu yahay uu tixgelin ku lahaado, marka ay timaado shaqaaleyn. • In la qaato hindise lagu casuumaayo dhammaan carruurta da’doodu gaarsiisan tahay dugsiga sare shqo xagaa, leh mushahaaro ku salaysan heshiis wadarreed iyo shuruuddowacan oo shaqo. • In la sii wado horumarinta shariikaddo bulsho iyo iskaashatooyinka. • In la higsado abuurida cimilo wacan oo ay ku shaqeyn karaan shariikadduhu, taasi oo loo marayo in loo sahlo aasaas dhigida, xoojinta wada shaqeynta iyo badinta kulamada wada hadalka ee lala yeelanayo ganacsatada. • In la kordhiyo aqoonta shaqaalaha degmada eek u saabsan farsamooyinka, loo yaqaan farsamooyinka nadiifta ah, ee la xiriira dhinaca ba’adda iyo dabeecadda. • In la hubiyo in degmadu ay yeelato qorshe iyo diyaarin dhul oo ku aadan aasaaska shariikaddo cusub. http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
  • 6. Nolol muusig iyo magaalo dhaqan • Abuurrida dhowr garoon xaafaddeed oo kale. • In la furo dhowr xarummood ee wakhti firaaqo inta aan la gaarin doorashada dambe, islamarkaasna la hagaajiyo kuwa hadda jira. • In laga dhiso wadooyinka lagu ordo Kronskogen, kuwaasi oo ay dadka naafada ahina ay isticmaali karaan. • Mudadda aanu xilka hayno in la dhiso gole weyn oo ciyaaraha iyo waxyaabo kale oo badan isugu jira , kuna meel bartamaha degmada ah. • Mudadda xilka aanu hayno dhexdeeda in la dhiso meel cusub oo lagu dabaasho. • In la dejiyo hab cusub oo caddaalad ku dhisan oo lagu caawinayo ururrada ciyaaraaha, dhaqanka iyo wakhti firaaqaha. • In la sii wado horumarinta qalcadda Balsta ee muusiga, oo ah xudun kulmisa dhaqanka, horseedna ka muusiigga ay caanka ku tahay magaalada Eskilstuna. • Mudadda xilka in la kordhiyo hawl yari u helida qalabka muusiga ee la deynsado, lana bilaabo in la tirtiro kharashka laga qaado iskuulka muusiga. • In aan waxba laga bedelin, islamarkaasna la difaaco basas ardayda degmadu lacag la’aanta ku raacaan, lana ogolaado in degmadu si firfircoon u siiyo fursado carruurta iyo dhalinyaraduba inay helaan hawlo wakhti firaaqo oo ay ku mashquullaan. Nolol wanaagsan cid kastaa hesho • In la xoojiyo wax ka qabashada lagaga hortageyo daroogooyinka iyo falal dambiyeedka. • In laga shaqeeyo xoojinta xiriirka lala samaynayo dadka go’doonsan ee aan iyagu karayn inay raadsadaan taageerada ay u baahan yihiin, lagana hortago in dhalinyarada dhaawac soo gaaro. • In la kordhiyo, lana hormariyo hawlaha iyo xarumaha furan ee wax loogu qabto dadka ay la xiriirto belwedda iyo isticmaalka daroogooyinka ama dhibaatooyinka maskax xanuunka qaba. • In la furo xarun wax loogu qabto dhalinyarada daroogooyinka qabatimay. • In laga lagaga hortago hoy la’aanta, waxyaabaha ay ka midka yihiin in la sameeyo guryo ay leedahay degmado. • In la sii wado taageerada loo fidiyo meesha la seexo ee härbärget, waxay yaraynaysaa dhibaatada haysata dadka hoyga la’. • In si qoto dheer loo xoojiyo wada shaqeynta degmada iyo http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
  • 7. shariikaddaha guryaha kireeya, si ay shariikadduhu masuulyada ka aadan dhinaca arrimaha bulshada qeybtooda uga qaataan. • In la sii wadao halganka loogu jiro in la taageero dadka dhibaatada dhaqaale haysato, si ay u gaaraan heer ay isku masruufi karaan iyagu. • In la sii wado hormarinta wada shaqeynta ka dhexaysa, maamulka gobolka iyo hay’addaha degmada ee kaleba, si looga taxadiro in qofna aan la isku tuurtuurin. • In hormarin lagu sameeyo xarumaha dannaha qoysaska ee Eskilstuna, iyada oo lala kaashanayo maamul gobolleedka, kiniisaddaha iyo ururrada bulshada. U dadaalka iyo amniga dadka gaboobay • Sii wadida dhismaha meelo gaar ah oo ay u hoydaan dadka gaboobay, in in la siiyo fursad lamaanaha doonaya inay wada deggaan. • In la kordiyo fursadda la siinayo dadka gaboobay ee doonaya inay sii deggenaadaan gurigooda, iyada oo loo habaynayo farsamooyin iyo qalab u suurtogelin kara sidaas. • In lagu shaqeeyo, marka la habeynaayo siyaasadda arrimaha dadka gaboobay, tixgelin gaar ahna oo la siinaayo dadka naafada ah. • In la sii joogteeyo basaska ay dadka gaboobay ku raacaan lacag la’aanta, si ay in badanni oo ka mid ihi ugu faa’iideysato. • In la kordhiyo saameynta ay beeralaydu ku leeyihiin daryeelka dadka gaboobay. • In la kordhiyo hawlaha dhaqdhaqaaq iyo meelaha kulanka ee loo samaynayo dadka gaboobay. • In la sameeyo kormeere maxalli ah oo ay yeeshaan dadka gaboobay. • In horumarin lagu sameeyo fursadda ay dadka gaboobay ku dooranayaan cunta ay cunayaan ama ogolaanshaha in ay dad kale wax la cunaan. • In laga shaqeeyo in dhammaan cuntada ay dadka gaboobay cunayaan ay noqoto mid nafaqo badan leh oo wanaagsan. • In loo ogolaado dadka gaboobay ee gurigooda loogu adeego fursadda in ay iyagu go’aan ka qaadan karaan, sida ay hadba u isticmaalayaan saacaddaha loo qoondeeyay. • In kor loo qaado aqoon kororsiga shaqaalaha ku hawlan daryeelka dadka gaboobay. Magaalo qorsheyn casrinimo iyo geesinimo leh • In la sii wado in magaalada lagu soo dhaweeyo xarumaha daryeelka iyo weliba bustaannada cagaarran. http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/
  • 8. • In laga shaqeeyo in la kordhiyo dhismaha guryaha, islamarkaasna lagu dadaalo in la isku dhex khaldo noocyada kala duwan ee lahaanshaha guryaha, kuwa hadda jira iyo kuwa cusubba. • Iyada oo lala kaashanayo dadka ku nool guryaha ku yaal xaafadda dhibku ka taagan yahay ee Eskilstuna, in laga shaqeeyo hagaajinta dabeecedda. • In la shaqeeyo in si sahlan loogu heli lahaa goobaha degmadu leedahay iyo kuwa ganacsigaba.. • In habka wax loo qorsheynayo laga dhigo mid furan oo dimuquraadi ah, oo u furan wada hadalka siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta ka dhexeeya. • In la dhiiri geliyo habab kala duwan oo lagu maareeyo biyaha iyo bulaacaddaha tuulooyinka yaryar.. • Mar kasta oo wax la qorsheynayo, in tixgelin la siiyo kalsoonida dadka, gaar ahaan, si weyn looga fakiro carruurta iyo dumarka. • Iyada oo wada tashi lala samaynayo ganacsatada iyo mulkiillayaasha dhismaha ku yaal bartamaha magaalada, in la bilaabo hawllo lagu hormarinaayo Eskilstuna farasmagaalaheeda, lagana dhigaayo magaalo leh farasmagaalo noolnool oo xiiso badan leh. • In la bilaabo shaqada dhisme waddooyinka lugta iyo jidadka baaskiilka oo soo gala farasmagaalada, kuwaasi oo ay ka caagan yihiin gaadiidka baabuurtu. Socialdemokraterna i Eskilstuna Valcentrum: Kungsgatan 14, 1 tr Valhemsida: www.val2010.nu Ordinarie hemsida: www.socialdemokraterna.se/eskilstuna Telefon expedition: 016-200 62 91 http://www.socialdemokraterna.se/Internationellt/Other-languages/Af-soomaali-Somaliska/